Xog: Dowladda Somalia Oo Doonaysa inuusan Qabsoomin Shirka Maamul Goboleedyadda ee Kismaayo.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta sidii ay u baajin laheyd shirka lagu wado in Kismaayo uu ku dhex maro Madaxda Maamul goboleedyada dalka, kaasoo uu dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Mas’uuliyiin kale ay saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar ah ka yeesheen xaalada siyaasadeed ee dalka, Khilaafka Galmudug iyo shirka maamul goboleedyada ee dhowaan Kismaayo ka dhici doona.

Shirka Kismaayo ayaa loo arkaa mid caqabad ku noqon kara nidaamka Federaalka, hadii shanta Madaxweyne goboleed ay si gaar ah kulan ka dhan ah dowladda Federaalka yeeshaan, kaasoo noqon doona kulankii u horeeyay ee ay dowladda dhexe ka maqan tahay, hadii Maamul goboleedyada uu isbaheysi dhex maro uu saameyn ku yeelan karo.

Shakiga kale ee dowladdu ka qabto shirkaas ayaa ah in loo arko in dowladda Federaalka aanay xilligan gacanta ugu jirin jaan-goynta arrimaha siyaasada gudaha, isla markaana ay keeni karto khal-khal siyaasadeed oo uu dalku galo.

Waxaa kaloo shirka Kismaayo u aragtaa mid awood siin kara Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo uu xaalka ku xun yahay, kaasoo dhowaan taageero ka helay qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleeydada.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay dooneyso in shirka Kismaayo la hakiyo, iyadoo u mareyso dhinacyo kala duwan, sida dowladaha deriska ee sida dhow xiriirka ula leh maamulada dalka, waxaana lagu wadaa in dowladdu ku baaqdo shir guud oo bisha soo socota ee October dhici doona.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in gogol uu Kismaayo ugu fidinayo Maamul goboleedyada, si looga tashanayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, isla markaana wixii ay ka soo tashadaan ay dowladda Dhexe ula tagi doonaan.

Dowladda Federaalka ayaa xilligan wajaheysa caqabado siyaasadeed oo gudaha ah, kaddib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka hor yimaadeen go’aanada qaar ee dowladda ka gaartay arrimaha siyaasada, gaar ahaan go’aankii Khilaafka Khaliijka oo noqday mid saameyn ku yeeshay siyaasada arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.