Xildhibaanadii Nabadaynta U Joogay Cadaado Oo Ku Guulaystay Inay Ka Saaraan Magaaladda Ciidamadda.

0

Xildhibaanaddii Nabadaynta u tagay Cadaado ayaa ku guulaystay inay Magaaladaasi ka dhigaan Mid ka caagan Ciidamadda, iyagoona sidoo kale ka hortagay Ciidamo hor leh oo ka yimid Gaalkacyo, kuna soo wajahnaa Cadaado.

Ciidamadan oo ka caraysnaa isku dayadda la doonayo in lagu riddo Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf ayaa ahaa kuwa aad u hubaysan, una socday inay qaadaan Tallaabooyin ayaa waxaa uga hortagay Galinsoor Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee halkaasi u joogay Nabadaynta, Waxayna iyagoo kaashanaya Haweenka, Culumadda, Odayasha Dhaqanka iyo Qaybaha Bulshadda Galmudug ku guulaysteen inay ku qanciyaan Ciidankaasi inaysan soo dhaafin halka ay joogaan.

Xildhibaanadan oo uu horkacayay Gudoomiye Ku xigeenka Aqalka Sare, Abshir Bukhaari, ayna ka mid yihiin Mahad Salaad, Axmad Macalin Fiqi, Cabdi Qaybdiid, C/wali Qanyare, Warsame Joodax, Jawaahir, Xasan Macalin iyo Mudayaal kale ay illaa iyo hadda ku hawlan yihiin Nabadaynta Deegaanadda Galmudug, Waxayna qayb ahaan ku guulaysteen inay baajiyaan Xiisadda Siyaasadeed inay isku badasho mid Dagaal Ciidan ah, balse Waan Waantii dhinacyadda isku hayay Siyaasadda waxay fashilantay, kadib markii ay soo faragalisay Dowladda Dhexe.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa Xildhibaano Geed Hoostiis Xalay ugu hoyday Galinsoor inaysan Cadaado soo galin Ciidamo uga sii dara Xaalka Magaaladda ayaa ku soo qoray Bartiisa Facebook Qoraal kooban oo uga hadlayo siday ugu guulaysteen inay baajiyaan Dagaal.

ALLE AYAA MAHADLEH

Shalay waxaan ka saarnay magaalada Cadaado ciidamadii la soo abaabulay ee ka kala yimid deegaanada Galmudug. Xalay waxaan ku wada hoyanay magaalada Gelinsoor, saakay aroortiina waxaan ciidamada iyo saraakiishooda kula hadalnay magaalada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud si ay ugu laabtaan deegaanadoodii, waanan ku guuleysanay Alle mahadi.

Waxaan u mahadcelinayaa odoyaasha dhaqanka Galmudug, culimada, dhalinyarada, haweenka iyo saraakiishii hugaaminaysay ciidamadaas oo door muhiim ah ka qaatay xal u helida arintaas.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Xildhibaanada Oo La Hadlaya Ciidamadda
Xildhibaanada Oo La Hadlaya Ciidamadda
Xildhibaano U Tagay Nabadayn Cadaado
Xildhibaano U Tagay Nabadayn Cadaado
Ciidamo Galinsoor
Ciidamo Galinsoor
Gaari Dagaal Oo Galinsoor Lagu Celiyay
Gaari Dagaal Oo Galinsoor Lagu Celiyay
Odayaal Ka Qayb Qaadanaya In La Celiyo Ciidanka
Odayaal Ka Qayb Qaadanaya In La Celiyo Ciidanka
Haweenka Deegaanka Oo Ka Qayb Qaadanaya Nabadaynta
Haweenka Deegaanka Oo Ka Qayb Qaadanaya Nabadaynta

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.