Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xilkii Laga Qaaday

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kulan ay ku yeesheen Hoolka Shirarka ee Baarlamaankaasi, uuna Gudoominayay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka waxay Xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cali Gacal Casir iyo Madaxwayne Ku Xigeenkii Maamulkaasi, Maxamad Xaashi Carabeey.

Kulanka ayaa la sheegay in ay goobjoog ka ahaayeen ilaa 52 mudane kuwaas oo  u kala codeeyay sidan :

49; Xildhibaan  ayaa xilkii ka qaaday Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey,

Sidaas oo kalana 52-da Xildhibaan ee Fadhiyay Kulanka ayaa isku raacay inay Kalsoonidii kala laabteen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada Caawa kulmay ee xilka qaadista sameeyay ayaa ah kuwa teegersan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna Xildhibaanada qaarkood ay sheegeen inay Xilka ka qaadeen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Xubnaha ay Baarlamaanku Kalsoonidda kala laabteen, Waxayna u muuqataa in Xiisaddii ka jirtay Cadaado ay hadda gaartay meel adag oo qolo kastaa ay Qoladda kale sheeganayso inay Xilalkii ka qaadeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.