Taliyaha Ciidanka Turkey Oo Muqdisho Soo Gaaray. Muxuu La Xiriiraa Socdaalkiisa,?

0

Wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidanka  Dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga, Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey Garoonka aadan Cadde, halkaasi oo kulamo hordhac ah uu kula yeeshay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil. iyadoo kadibna Wafdiga loo galbiyay Safaaradda Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Ciidamadda Amnigu ay xireen inta badan Jidadka Caasimadda.

Wafdigan ayaa Hordhac u ah Wafdi ballaaran oo Turkey ka socda, kuwaasoo ka qayb gali doona Munaasibadda xarigga looga jarayo Xarun Ciidamadda lagu tababaro oo Turkey ka hirgaliyay Magaaladda Muqdisho.

Imaanshaha Wafdigan ayaa imaanaya, iyadoo Shalay uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyadda Somalia Qarax wayn oo sababay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.