Madaxweyne Soomaaliya Oo La Kulmay Taliyaha Guud Ee Ciidamada Turkiga.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md Maxamad C/laahi Farmaajo  ayaa la kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga oo isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo ay Maanta soo gaareen Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka kala tirsan Militariga Turkiga iyo Soomaaliya ayaa madaxweynuhu wuxuu kala hadlay Taliyaha kaalinta Dowladda Turkiga ee kaga aadan taageerada Soomaaliya,gaar ahaan dib u dhiska Ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga  ka guddoomay fariin uu uga siday Dhigiisa Turkiga, Erdogan.

“Waxaan uga mahad celinayaa  Walaalaha Turkiga sideey noo garab istaageen,  iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, taasoo ah mid la isku halayn karo oo dhabta ku salaysan,waxaan ka codsanaynaa Dowladda Turkiga in ay ballaariso caawinaadeeda Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamo Qaran, Waxaa jirta baahiyo loo qabo tababaro iyo qalabayn ay helaan Ciidamada Qaranka,”  ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha Guud ee  Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in ay ka go’antahay Dowladda Turkiga sidii ay uga dhabayn lahayd garab istaaga Soomaaliya, Wuxuuna tusaale u soo qaatay dhismaha xarunta tababarada oo Muqdisho ay ka hirgeliyeen, taasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay dhismaha Ciidanka Soomaaliya, wixii kale oo dheeraad ah oo looga baahadana ay diyaar la yihiin.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga waxa uu sheegay  in amarka lagu taageerayo dhismaha iyo qalabaynta ciidanka Qaranka Soomaaliya ay tahay mid ka soo baxay Madaxwaynaha Dalka Turkiga, Mr Erdogan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.