Dowladda oo ku guulaysatay inay Shacabka ka mashquuliso Qadiyaddii Qalbidhagax, Akhriso Xog Muhiim.

0

Dowladda Federaalka Somalia ayaa Bilihii ugu dambeeyay waxaa soo wajahay Fadeexado is daba joog oo sababay inay ku lumiso Taageeradda inta badan Shacabka, isla markaana ay la kulanto Cambaarayno Xooggan.

Dhacdooyinka ugu waawaynaa ee Dowladda ay kala kulantay Cambaaraynta waxaa ka mid ahaa Duqayntii Jubooyinka, Weerarkii Bariire ee lagu laayay Beeralayda, Dhiibistii C/kariin Qalbidhagax oo Itoobiya loo gacan galiyay, Waxayna dhacdooyinkan oo dhan Dowladdu ka heshay Natiijo aan fiicnayn oo ay ku lumisay Taageeradda Shacabka.

Arrinta ugu daran ee Dowladda galisay Buuq Siyaasadeed ay ku sigatay Xukuumadda uu hogaamiyo Khayre in Cod loogu qaado Baarlamaanka ayaa ahayd Arrinta Qalbidhagax, Waxayse ugu dambayntii Xukuumaddu ku guulaysatay in arrinta hoos loo dhigo oo loo saaro Guddi u badan Xubnihii taageersanaa Xukuumadda. Balse wali kama istaagin Culayska Dowladda ee arrinta Qalbidhagax, waxayna Cambaarayno xooggan ka soo wajahayeen Shacabkii Soomaaliyeed ee markii hore taageeray Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Si Dowladdu u yarayso Buuqa Siyaasadeed iyo Dareenka Shacab ee ka dhashay Dhiibistii Qalbidhagax waxay diyaarisay Istaraatiijiyad ay ku furayso Buuq kale oo lagu mashquulinayo Shacabka iyo Xildhibaanadda ka carooday arrinta Qalbidhagax, Waxayna mar qura u wareejisay Xasaradihii Siyaasadeed Deegaanadda Galmudug.

Ujeedada Buuqa Siyaasadeed ee Galmudug kuma salaysna oo kaliya in meesha laga tuuro Madaxwayne Xaaf oo kaliya ee waxaa bar bar socda Istaraatiijiyad ay Dowladda Muqdisho ku doonayso inay kaga mashquuliso Dareenka Shacabka Arrintii Qalbidhagax,

Dadka Soomaaliyeed oo ah Dad Xamaasadeed inta badan dib uma eegaan wixii la soo dhaafay, Balse waa Dad Dareenkoodu nool yahay oo ka dhiidhiya wixii xumaan ah ee markaasi taagan, Waxayna si wayn uga dhiidhiyeen Arrintii Qalbidhagax oo gilgishay VILLA Somalia, Hase yeeshee hadda waxay ku guulaysatay Dowladdu inay Dareenka oo dhan ku jeediso Cadaado, halkaas oo hadda ah meesha ay ka taagan tahay hadal haynta ugu badan.

Si Kastaba ha ahaatee Dowladdu waxay ku guulaysatay inaan dib la isku waydiin Arrinta Qalbidhagax, Iyadoona Guddigii loo saaray arrintaasi aysan illaa iyo hadda fariisan, Waxna iska waydiin arrintii loo xilsaaray, Mana jirto cid xasuusan oo soo hadal qaadaysa waxay Guddigii loo xilsaaray arrintaasi u fariisan waayeen, sababtoo ah Dadka dhan waxaa lagu mashquuliyay Cadaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.