Dhageyso:-Taliye Cirfiid” Turkiga Waxa Uu Doorweyn Ku Leeyahay Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka”

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Axmed Jimcaale Cirfiid oo Maanta Dhigiisa Dalka Turkiga ku  soo dhoweeyay Muqdisho  ayaa ku ammaanay Turkida sida ay mar kasta u garab taagan yihiin Shacabka Soomaliyeed.

Cirfiid waxa uu xusay in Turkigu u soo gurmaday Soomaaliya waqti loo baahnaa oo ay Dalka ka jirtay Abaar saamaysay Dadka iyo Duunyadda, taasoo Astaan u ah inay noo hiiliyaan Xilli aan u baahnayn Gurmad Walaal.

Gen  Cirfiid waxa uu sheegay in Samafalka ka sakoow ay hadda Turkigu qayb ka qaadanayaan Dhismaha Ciidanka XOogga Dalka Soomaaliyeed, si Dalku u gaaro isku filnaan Ciidan.

Hadalka Taliyaha Ciidanak Xoogga ayaa imaanayaa kadib markii uu kulan la qaatay Dhigiisa Turkiga  oo hor dhac u ah Wafdi Sare oo Turkish ah oo ka qayb galaya Furitaanka Saldhig Milatari oo ay Turkidu ka sameeyeen Soomaaliya, iyadoona Saldhigaasi lagu tababari doono Ciidamadda Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso Codka Taliyaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.