Dhageyso:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Saraakiil Ka Tirsan AMISOM

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin ka tirsan AMISOM oo Muqdisho ku kulmay Maanta ayaa ka wada hadlay Sugidda Amniga Caasimadda, Shilalka ay gaystaan Ciidamada AMISOM Iyo wadashaqayn dhex marta labada dhinac.

Gudoomiye Taabid Cabdi Maxamed ayaa u gudbiyay AMISOM cabasho ka dhan ah Ciidamadooda qaladaadka ay ka gaystaan Wadooyinka Shacabka oo ay ugu dambaysay Dhacdadii KM4. Wuxuuna ka dalbaday in AMISOM ay qaladkaasi ka bixiso garawshiyo, askartii gaystayna la ciqaabo.

AMISOM ayaa qirtay in qalad uu ka dhacay Ciidankooda, ayna ka raali galinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka ay matalaan, Waxayna u sheegeen Gudoomiye Taabit inuu xiran yahay Darawalkii waday Gaarigii KM4 ku jiraay Baabuurka Shacabka iyo Taliyihii xukumayay Kolonyadaasi, isla markaana ay socoto baarista Kiiskaasi.

AMISOM ayaa lagu eedeeyaa inay marar badan Shacab ku jiiraan Wadooyinka Muqdisho, isla markaana ay ka carareen goobta ay falka ka gaysteen, Waxaana adkaata in lagala hadlo AMISOM falalkaasi.

Halkan ka dhagayso Codadka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.