Akhriso:-Madaxwayne Xaaf Oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.

0

Axmed Ducaale Geelle Xaaf -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa u Magacaabay gudoomiye Cusub  Gobolka Galgaduud.

Wareegto ka soo baxday  Madaxtooyadda Galmudug, uuna ku saxiixan yahay Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa gudoomiye loogu Magacaabay Nuur Axmed Xasan oo loo yaqaano (Nuur Dheere).

Gudoomiyahaan Cusub ayaa bedeli doona Gudoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud Xasan Sheekh Cali Cilmi oo 4 Bishii Agoosto ee Sanadkaan lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Galgaduud ayaa imaanaysa Xilli Khilaaf xooggan uu ka dhex jiro Madaxda Galmudug.

Wareegto Magacaabis Gud Galgaduud
Wareegto Magacaabis Gud Galgaduud

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.