Xaaladda Magaalada Cadaado oo maanta Kacsan iyo Xiisad magaalada ka taagan.

0

Xaalada Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa maanta aad u kacsan, Iyadoo laga dareemayo Xiisad Ciidan iyo Is Xulafaysi Siyaasadeed.

Kulamo Siyaasadeed iska soo horjeeda oo ay soo abaabulayaan Dhinacyadda isku haya Cadaado ayaa ka soconaya Hoteeladda Magaaladda iyo Madaxtooyadda. Waxayna Xiisaddu salka ku haysaa Khilaafka Khaliijka oo saamayn ku yeeshay Soomaaliya.

Rasaas Goos Goos ah oo ay ridayaan Ciidamo ku sugan Gudaha iyo Daafaha Magaaladda ayaa la maqlayaa, Waxaana Magaaladda soo buux dhaafiyay Maleeshiyaad aan ka tirsanayn Ciidamadda Galmudug, kuwaas oo badankood ka yimid Magaaladda Gaalkacyo.

Ciidanka magaalada ku sugan ayaa la sheegay in ay u badan yihiin Ciidamo beeleed u kala safan dhinaca Galmudug, inkastoo saraakiisha Booliska iyo NISA ay muujiyeen rajo ah in aysan dhici doonin wax iska hor imaad ah.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa hada waxaa u socda kulan ay kaga hadlayaan Xiisadda u dhaxeysa hogaankooda, Waxaana la filayaa in ay warbixin ka soo saaraan,

Madaxwayne Ku Xigeenka, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeeyay Golaha Wasiiradda inay la safan yihiin Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf. Waxayna u arkaan Warbixin kasta oo ay saaraan mid dhinac ah.

Xildhibaanadii Cadaado u tagay qaboojinta xiisadda magaalada ka taagan ayaa wali ku mashquulsan isku soo dhaweynta dhinacyada is haya, balse waxaa la sheegay in arinta ay ka culus tahay sidii ay filayeen.

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi oo ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka ee u tagay dhex dhexaadinta Cadaado ayaa aaminsan inay wali jirto Rajo oo aysan ka quusan Dhex dhexaadintii ay u tageen halkaasi.

“Xalay ilaa hada waxaan ku jirnaa shirar gaar gaar ah oo aan ku soo afjareyno Xiisadda u dhacaysa Madaxda Galmudug, Xaaladda ma fududa balse waxaan ku rajo weynahay in aan isu keeno labada dhinac” ayuu ku soo daabacay Fiqi Bartiisa Facebook.

Qaar ka mid ah Xubnaha baarlamaanka Faderalka Soomaaliya ee ku sugan Cadaado oo aan la hadalnay ayaa sheegay in ay magaalada ka jirto is jiid iyo sharuudo adag oo ku hor gudbin Labada dhinac inay is fahmaan.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa la aaminsan yahay inay leedahay sababta ay u sii adkaadeen Wadahadaladii Galmudug, kadib markii mid ka mida Dhinacyadda is haya ay u soo gudbisay Shuruudo ay tahay inay ku xiraan Wadahadalka.

Odayaasha Deegaanka Cadaado ayaa u sheegay Xildhibaanadda u tagay dhex dhexaadinta halkaasi in haddii xal laga gaari waayo Muranka Siyaasadeed ee Maamulkooda hareeyay inay uga baxaan Deegaankooda, si aan loogu dul dagaalamin Shacabka, Iyagoona ku hanjabay inay dhisan doonaan Maamul u gaar ah oo ka madax banaan Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.