Wasiirka Amniga “Anigaa xilkeyga ku weynaya, hadii aan la keenin dadkii geystay dhacdadii Xamar weyne”

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa si kulul uga hadlay Weerar dad lagu dilay oo Shalay ka dhacay Xamarwayne,  iyadoo Weerarkaasna lagu dilay Labo Qof oo mid ka mida uu yahay Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Haweenka Qaranka.

Wasiir Islow oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa sheegay in aan marna loo dulqaadan karin in wixii shalay ka dhacay magaalada, iyadoo waddooyinka magaalada ay ku sugnaayeen ciidamo, isla markaana la xiray jid cadayaasha.

“Dhacdadii shalay ka dhacday Suuqa Xamar weyne ma ahan wax loo dulqaadan karo, waa lagu daba jiraa iyo waa la soo qabanaa ma ahan wax na qancineyso, anaga meeshi iskama sii joogi karno, waxaa u sheegayaa Booliska in maalinta Axada ay keenaan dadkii ka dambeeyay falkaas”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhamaan waddooyinka la soo xiray, waddo kasta oo jid cade ahna la gooyay,  sidaas darteedna aysan ahayn wax la aqbali karo in dad lagu dilo magaalada, lana baxsado. Wuxuuna sheegay in Dhacadii Xamarwayne ay dad badan Xabsi u gali doonaan.

“Hadii aad keeni weysaan dadkii ka dambeeyay falkaas, aniga ugu horeeya oo Xilkayga ku waynaya, Xilkana uma aanan qaadin inaan Baabuur aan Xabaddu karin isaga socono, Xafiisyadda iska fadhino, Waxaa idin sheegayaa in dad badan ay arrintan xilkooda ku weynayaan, xabsina u galayaan”ayuu si kulul u yiri Wasiirka Amniga.

Hadalka Wasiirka Amniga ayaa ku soo beegmaya, xilli shalay kooxo hubeysan ay degmada Xamar weyne oo ah bartamaha magaalada Muqdisho ku rasaaseeyeen gaari ay lahayd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Marwo Batuulo Gabale, kuna dileen labo qof oo isugu jiray Wiil ay dhashay iyo Xoghaynteedii, Waxaana halka uu ka dhacay dilkaas ay aheyd meel aan sidaa uga fogeyn bar ay ku sugnaayeen Ciidamadu.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.