Wasiir Ka Tirsan KG Oo Ku Eedeeyay Madaxtooyadda Inay Abaabulayso Qorshe Ka dhan ah Shariif Xasan.

0

Wasiirka Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/laahi Sh Xasan ayaa ku eedeeyay Madaxtooyadda Soomaaliya inay diyaarinayso Qorshe ay doonayso in si Sharci Darro ah ay uga tuurto Xilka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh Aadan.

C/laahi Sh Xasan ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in 9 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed looga yeeray Madaxtooyo, Isla markaana ay la kulmeen Agaasimaha Madaxtooyadda, Fahad Yaasiin, Wuxuuna sheegay in Xildhibaanadan laga dhaadhiciyay inay tagaan Degmadda Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kadibna halkaas ka sheegaan inay Xilka ka qaadeen Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh Aadan.

HornAfrik waxay horay u sheegtay inuu jiro Abaabul ka dhan ah Shariif Xasan oo ay waddo Dowladda Dhexe, kaasoo ay doonayso inay Xilka kaga tuurto marka ay ka soo jeesato Galmudug oo hadda u muuqata in Qorshaheedii uu daba dheeraaday. Waxaana Abaabuladan oo dhan ay u isticmaalaysaa Dowladda Dhaqaale farabadan oo aan la shaacin halka laga keenay, balse HornAfrik ay ogaatay inay bixinayso Dowladda Qadar.

Qoraalka Wasiirka Dastuurka Kgs
Qoraalka Wasiirka Dastuurka Kgs

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.