Wasaarada Amniga Oo Muqdisho Kusoo Bandhigtay Sedex Ruux Oo Uu Kamid Yahay Maxamed Nuur Idaacada Wareegta

0

Taliska Boliiska iyo Wasaarada amniga ayaa ku soo bandhigay Xarunta Booliska Gen Khaahiye 3 Ruux oo la sheegay inay Warqado digniin ah ay ku daadin jireen magaalada muqdisho, Qalabkii ay ku shaqayn jireen iyo Warqado Digniino ah oo ay Wadooyinka ku daadiyeen.

Goobta lagu soo bandhigay waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamad Abuukar Isloow, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Taabit Cabdi, Taliyaha Booliska, Gen C/xakiin Daahir Saacid iyo Saraakiil Sare Sare oo ka tirsan Ciidanka.

Maxamed Nuur Maxamed oo loo yaqaano Idaacada Wareegta oo ahaa Qof caan ka ah Muqdisho, kaasi oo matala codadka Siyaasiyiinta iyo Shaqsiyaadka Caanka ah ayaa ka mid ah 3-qof ee lagu soo eedeeyay inay warqadaha digniinta ku daadin jireen Wadooyinka Muqdisho oo ay xiriir la lahaayeen Alshabaab.

2-da Ruux kale ayaa la sheegay in ay ka shaqeynayeen xarunta Warqadaha lagu daabaco oo ku taalay Degmadda Dharkeenleey ee Muqdisho, ayna daabici jireen Warqado Digniina oo lagu daadin jiray Wadooyinka Muqdisho, kuwaasoo lagu argagax galin jiray Shacabka, isla markaana qal qal lagu galin jiray Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ay 2-dan qof ka shaqaynayeen Goob Daabacaad oo lagu magacaabo Innaa Fatax.

Ciidanka Booliska waxay ku goobta ku soo bandhigeen Warqado Digniino ah oo ay ku daadiyeen Jidadka Muqdisho, Qalabkii ay wax ku daabici jireen, Waxayna ahaayeen Shabakado isku xiran oo u xilsaarnaa argagag galinta Shacabka oo ay Waraaqo Digniino ah ugu daadin jireen Goobaha la isugu yimaado.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Taabit Cabdi oo ka hadlay Goobta lagu soo bandhigay Raggan ayaa uga Mahad celiyay Booliska Howlgalka ay ku soo afjareen Shabakadan argagax galin jiray Shacabka Muqdisho.

Taliyaha Booliska, Gen C/xakiin Saacid ayaa isna sheegay in hawshan ay muddo ku daba jireen, ugu dambayna ay soo afjareen.

Qalabka Warqadaha Digniinaha Lagu Daabici Jiray

Qalabka Warqadaha Digniinaha Lagu Daabici Jiray

Warqado Digniino Ah Oo Ay Ku Daadiyeen Muqdisho
Warqado Digniino Ah Oo Ay Ku Daadiyeen Muqdisho

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.