Qarax Xoog Leh Oo Ka Dhacay Xamar Wayne.

0

Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay degmada Xamar-Weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay Agagaarka Maqaayadda Isi Saar oo u dhow Beerta Nabadda  iyo Bacadlihii hore ee Xamarwayne.

Qaraxan ayaa ahaa mid aad u culus oo laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, Waxaana jira Khasaare soo gaaray Shacabkii ka ag dhowaa Goobtaasi oo u badnaa kuwo saarnaa Gaadiidka Dadwaynaha, iyadoona Goobta Qaruxu ka dhacay ay ku taalo Bosteejo laga raaco Gaadiidka Dadwaynaha.

Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ayaa gaaray Goobta, iyo Ciidamadda Ammaanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa qarax xoog leh oo laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.Shaqaalaha gargaarka ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.