Galmudug Oo Si KMG Ah U Joojisay Duulimaadyadda Ka Imaanaya Muqdisho.

0

Wareegto uu ku saxiixan yahay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmad Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu amray laga billaabo Khamiista oo ay Taariikhdu tahay 28-ka Bishan inaysan Diyaarad ka imaanayso Muqdisho ka soo dagi karin Cadaado.

Amarkan ayaa laga reebay Diyaaradaha AMISOM iyo kuwa Samafalka oo aysan saamayn doonin, Waxaana lagu wargaliyay Diyaaraddii jabisa Amarkan in laga qaadi doono Tallaabo adag, isla markaana ay qaadayso wixii cawaaqib ah ee ka dhasha.

Amarkan ayaa soo baxaya xilli ay Dowladda Dhexe ee Somalia diyaarisay Diyaarad u qaadaysa Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Magaaladda Cadaado, si ay qayb uga noqdaan Ololaha looga soo horjeedo Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf.

Halkan ka Akhriso Wareegtadda Madaxwaynaha Galmudug.

Wareegto Diyaaradaha Looga Joojiyay Cadaado
Wareegto Diyaaradaha Looga Joojiyay Cadaado

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.