Faah Faahinta Khasaarihiii Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Xamar Wayne iyo Halka uu ku Wajahnaa Qaruxu+Sawiro.

0

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa qarax Gaari loo adeegsaday waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn busteejada Gawaarida laga raaco eek u taalla Degmad Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Gaari nooca raaxada ah oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay agaarka Bacadlaha Xamarwyene dhanka Wadada ka timaada Beerta Nabada kas oo horjeedka Kaalin shidaal oo halkaasi ku taalla.

Qaraxa ayaa  khasaaro u geestay Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo Goobta taagnaa kaas oo inta badan dadkii saarnaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay, waxaana khasaaraha Maamulka Gobolka Banaadir ay ku sheegeen dhimashada 7 Ruux, halka dhaawacuna ay ku sheegeen 6 Ruux.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la geeyay Goobaha caafimaadka ee ku yaalla Gudaha Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Gaariga Qarxay ayaa lagu soo waramayaa inuu xoog ku soo jiiray Bar Koontarool oo taalay halka ay iska galaan Degmooyinka Xamarwayne iyo Xamarjajab, Waxaana kadib ka soo daba dhaqaaqay Baabuur Cabdi Bille ah oo Ciidan si u soo qabto, balse intii uusan soo gaarin Gaariga Ciidanka ayaa Ismiidaamiyaha markii uu arkay in la soo dabagalay uu isku qarxiyay halkii uu marayay oo ahayd inta u dhaxaysa Maqaayadda Isi Saar iyo Bacadlaha Xamarwayne.

Sida muuqata Gaariga qarxay waxa uu ku soo jeeday dhinaca Wadada Hoteeladda SYL iyo Muna ee ku yaala halka laga soo galo Madaxtooyadda Somalia, Waxaana suurtagal ah inuu ku wajahnaa Madaxtooyo.

Qarax 4

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.