Madaxda Maamul goboleedyada oo war murtiyeed ka soo saaray Xaalada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

0

Madaxda shanta maamul goboleed ee dalka ayaa goor dhow soo saaray war murtiyeed wadajir ah oo ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee sii murgeysa ee ka jirta dalka, iyagoo ka digay in gaabis ku yimaado iskaashiga iyo wada shaqeynta dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

HornAfrik oo Nuqul ka mida Warsaxaafadeedkan heshay Saaka Aroortii waxay ku hawlanayd xaqiijinka Warkan, maadaama Warsaxaafadeedyo badan oo Been Abuur ah illaa xalay lagu jahwareeriyay Warbaahinta, Waxaana ugu dambayntii aan xaqiijinay in Warkan uu yahay mid sax ah oo ay wada jir u soo saareen Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyadda Somalia oo Shir Deg Deg ah ku yeeshay Qadka Taleefoonka.

Shariif Xasan-Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa lahaa Abaabulka Shirkan, iyo in la soo saaro Warmurtiyeed Rasmi ah oo ay ku midaysan yihiin Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyadda Somalia.

Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyadda waxay si wadajir ah u cambaareeyeen Faragalinta lagu hayo Dowlad Goboleedka Galmudug, Waxayna sidoo kale walaac ka muujiyeen siday Dowladda u wajahayso Arrinta Galmudug.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in is maandhaafka ka dhashay Khilaafka Khaliijka uu jiro olole, abaabulo iyo faragelin toos ah oo ku wajahan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, isla markaana ujeedkeedu yahay in Madaxweynaha lagu majaxaabiyo, arrintan oo qeyb ka tahay dowladda Dhexe.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa cambaareeyay go’aanka ka soo baxay xubno ka mid ah Baarlamaanka Galmudug oo ay sheegeen inay xilka uga qaadeen Madaxweyne Xaaf, waxaa ay ugu baaqeen Hoggaanka sare ee dowladda inay ka noqdaan go’aanka ay ku sheegeen inay ku taageersan yihiin hadalka ka soo yeeray Cadaado.

Dowlad Goboleedyadda Oo Warsaxaafadeed Wadajir Ah Soo Saaray
Dowlad Goboleedyadda Oo Warsaxaafadeed Wadajir Ah Soo Saaray

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.