Maamulka Hir-Shabeelle Oo Beeniyay In Ay Qeyb Ka Ahaayeen War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Madaxda Maamul Goboleedyada

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iska fogeeyay inuu ku lug lahaa war murtiyeed wadajir ahaa oo ay Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ka soo saareen xaalada siyaasadeed ee dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne Waare oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray HornAfrik ayaa lagu sheegay in war murtiyeedkaas aanu qeyb ka aheyn, talana ku biirin arrinta ku saabsanaa  Dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale war saxaafadeedka aya lagu sheegay inuu ku baaqayo in la qaboojiyo heer kulka siyaasadeed, lagana fogaado tallaabo kasta oo xaalada uga sii dareysa.

Hirshabelle Statement
Hirshabelle Statement

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.