Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Fal argagax leh oo AMISOM ka geysatay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay fal argagax leh oo ay shalay Ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah Gaadiidka qafilan ee AMISOM ayaa shalay Isgoyska KM4 ku jiiday gaari qof shacab uu lahaa, iyadoo tallaabadan ay dad badan ka caroodeen.

Gaadiidka qafilan ee AMISOM ayaa koofanaha ku riixayay gaadiidka yar ee qofka shacabka uu watay, waxaana soo gaaray bur bur aad u xooggan.

Guddoomiye Taabid ayaa qoraal kooban oo xalay xilli dambe uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu sheegay in aysan marnaba raalli ka noqon karin in la dhibaateeyo shacabka Muqdisho iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan aad uga xumahay falka ay Shalay ku kaceen ciidanka AMISOM, Waxaan marka hore raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee gaarigiisa waxyeelada ay ka soo gaareen”ayuu yiri.

Guddoomiye Taabid oo sii hadlayay ayaa yiri “Marna raali kama ihi in Muqdishaawiga ama Muwaadin Soomaaliyeed dhib loo geysto, wxaan la xiriiray AMISOM, jawaab deg deg ah ayaan ka sugeynaa in ay ka bixiyaan sidoo kalena askarigii falka geystay cadaaladda la horkeeno magdhawna ay ka bixiyaan”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Baraha Bulshada ayaa la soo geliyay muuqaalka Gaadiidka AMISOM oo afka hore ku qaadaya, kuna jiidaya wadada gaari kale, iyadoo falkan uu ahaa mid ula kac ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.