Dhexdhexaadintii Galmudug Oo Fashilantay, Iyo Diyaarad Madaxtooyo Laga Diray Oo Bari Tagaysa Cadaado.

0

Dadaaladdii Nabadeed ee la doonayay in lagu dhex dhexaadiyo Dhinacyadda Khilaafku u dhaxeeyo ee Galmudug ayaa gabi ahaanba fashilmay, kadib markii ay soo faragalisay Dowladda ee Somalia.

Wadahadaladan oo Maanta laga gaaray Isafgarad, isla markaana la isi soo hor fariisiyay Madaxda Galmudug ayaa lagu balamay in Caawa la kala saxiixdo Heshiis lagu badbaadinayo Jiritaanka Galmudug, Isla markaana ay si wada jir Madaxda Galmudug ugu sheegayaan Bulshadda ay matalaan in la dhameeyay Khilaafkii, Waxaana sidoo kale lagu ballamay in Bari ay si wada jir ah u hor tagaan Baarlamaanka Galmudug, una cadeeyaan in Khilaafkii dhamaaday, wixii hadda ka dambeeyana la joojiyo Mooshino iska soo horjeeda.

Caawa markii la isugu yimid Kulankii lagu ballansanaa ee Heshiiska lagu saxiixi lahaa ayaa waxaa la yimid Mowqif cusub oo aan horay la isugu ogayn Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo u sheegay Xildhibaanadii dhex dhexaadinta waday iyo Odayaashii kalaba inuu ka baxay ballantii, wax heshiis ahna aan l gaari karin illaa inta uu iska casilayo Madaxwaynaha Galmudug, taasoo ka yaabisay dhamaan Dadkii meesha fadhiyay.

Dood Dheer kadib markii uu la imaan waayay Cali Gacal sababo Macquul ah oo badalay Mawqifkiisa ayaa waxaa loo xilsaaray inay si gaar ah ula kulmaan Xildhibaano ay is xigeen oo kala ah Xasan Macalin iyo C/wali Qanyare, kuwaas oo iyaguna ku guuldaraystay inay ka keenaan Heshiis Cali Gacal, Waxaana uu ku adkaysatay inuu is casilo Madaxwayne Xaaf.  Iyadoo ugu dambayntiina Xildhibaanaddii halkaasi ka tagay, Odayaashii, iyo Siyaasiyiintii ku hawlanaa dhex dhexaadinta ay Caawa kala hoydeen, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.

HornAfrik ayaa ogaatay in Wadahaladda Cadaado inay burburaan ay sabab u tahay Culays ka soo wajahay Cali Gacal Casir dhinaca Dowladda dhexe ee Somalia, Waxaana Cali Gacal loo sheegay inuusan aqbalin wax ka yar inuu meesha baneeyo Axmad Ducaale Xaaf.

Diyaarad sidda Xildhibaano laga diray Madaxtooyo, Lacag badana loo qorsheeyay inay qaado ayaa ku wajahan Bari Cadaado, Waxayna Xildhibaanadda laga diray Madaxtooyo si ay meesha uga saaraan Xaaf ay kala yihiin:-

1- Xildhibaan Siciid Nuur Giriish.

2-Xildhibaan C/xakiin Bidaar.

3-Xildhibaan Abtidoon Yare.

4-Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow

5- Cabdi Dhuxoloow Dhagdheer- Xildhibaan Aqalka Sare.

6- Ugaas Dhageey- Xildhibaan Aqalka Sare.

 

Xildhibaanadan ayaa marka ay tagaan waxay sii xoojin doonaan Qorshayaasha la doonayo in Kursiga looga tuuro Madaxwayne Axmad Ducaale Xaaf, iyagoona wata qorsha ah inay ku badalaan Axmad Shariif oo ay taageerayso Dowladda Dhexe ee Somalia.

Tan iyo wixii ka dambeeyay Doorashadii Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo ee dhacday 8 February Sannadkan waxaa Xilalka Madaxwayne Goboleed lagu qasbay inay baneeyaan Madaxwaynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxwaynihii Hore ee Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble, Haddana waxaa lagu qasbayaa inuu Galmudug baneeyo Axmad Ducaale Xaaf.

HornAfrik waxay heshay Xog ah in sidoo kale uu jiro Qorshe kan Galmudug xigga oo la doonayo in meesha looga tuuro isna Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sh Aadan, iyo Kan Puntland, C/wali Cali Gaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.