Baarlamaanka Galmudug Oo Ku Eedeeyay Dowladda Federaalka Ah Inay Faragalin Ku Hayso Maamulkooda.

0

Shir ay Cadaado ku yeesheen Baarlamaan Goboleedka Galmudug ayeey si buuxda uga hor yimaadeen Xildhibaano kooban oo Shalay sheegtay inay Xilka ka qaadeen Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf, Iyadoona Shirkaasi uu Gudoominayay Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanadda Galmudug waxay ku eedeeyeen Dowladda Dhexe ee Somalia inay ka shuftaysanayso Cadaado, isla markaana ay doonayaan inay burburiyaan Maamulka Galmudug, Waxayna sheegeen inay tahay wax laga xumaado in Masuuliyiin Dowladeed  u soo horkacaan Cadaado Musharax horay looga guulaystay si uu u carqaladeeyo Hanaanka Maamul ee Galmudug.

Halkan ka daawo Muuqaalka Xildhibaanadda Galmudug.

 

Xildhinaano Galmudug Ah
Xildhinaano Galmudug Ah
Gudoonka Baarlamaanka Galmudug
Gudoonka Baarlamaanka Galmudug

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.