Xildhibaano Sheegay Inay Xilka Ka Qaadeen Madaxwaynaha Galmudug Xaaf.

0

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayeey Xildhibaano ka tirsan Galmudug sheegteen inay Xilka ka qaadeen.

Kulan ay yeesheen Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo aan horay loo sii shaacin, Isla markaana aysan Goobjoog ka ahayn Saxaafaddu ayaa lagu sheegay inay isugu yimaadeen 55 Xildhibaan, 52 ka mid ahaa ayaa ogolaatay 2 ayaa diiday,  1 ka mid ahna wuu ka aamusay.

HornAfrik waxay ogaatay in Tiradda Xildhibaanadda isku yimid ay ahaayeen 12 Xildhibaan, kuwaas oo ay isku keeneen Qoor Qoor oo ka tirsan Xukuumadda Somalia iyo Axmad Shariif oo ka mid ahaa Musharixiintii la tartamay Xaaf. Mana uusan fadhin Kulankaas Gudoomiyaha iyo Ku Xigeenadiisa toona, iyadoona Kulanka uu dhacay Xilli habeen ah.

Khilaaf Xooggan ayaa ka dhex jiray Muddooyinkan Maamulka Galmudug, Iyadoo Khilaafkana lagu eedeeyay inay qayb ka tahay Dowladda Somalia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.