Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Mooshin Xil Ka Qaadis Ah Laga Keenay.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay Mooshin Xilka qaadis ah ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo ay Waraysatay Iddaacada KNN ee Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay Mooshin Xilka qaadis ah ka keeneen  Cali Gacal Casir oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Mooshinka la sheegay in Xildhibaanada ay ka keeneen Guddoomiye Cali Gacal ayaa imaanaya Xilli Khilaaf Xoog leh uu u dhexeeyo Madaxweynaha Maamulkaas, Axmed Ducaale Xaaf iyo Kuxigeenkiisa oo uu la safan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

HornAfrik ayaa ogaatay in 40 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug inay saxiixeen Mooshin ay ku dalbanayaan in Xilka laga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, iyadoona Xaalad Cakirnaan Siyaasadeed ah ay ka taagan tahay Magaaladda Cadaado.

Xubno ka tirsan Xukuumadda Somalia oo uu wehliye Nin la sheegay inuu u Sharaxan yahay Madaxwaynanimadda Galmudug ayaa iyaguna u jooga Cadaado inay xilka ka tuuraan Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf. Waxaana ay bixinayaan Dhaqaale farabadan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.