Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Oo Beeniyay In Xilka Laga Qaaday Madaxwayne Xaaf.

0

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayaa beeniyay warar ay faafiyeen Warbaahinta Qaar oo xiganaya Xildhibaano ka tirsan Galmudug, kuwaas oo sheegay in Xilka laga qaaday Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf.

Xareed waxa uu sheegay inuusan jirin Kulan Baarlamaan oo ka dhacay Cadaado, Isla markaana aysan ka warqabin Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Xildhibaano shiray, isagoona wax lala yaabo ku tilmaamay in iyagoo Cadaado jooga loo sheego in Baarlamaan shiray. Wuxuuna sheegay inuu Baraha Bulshadda ku arkay Shir la sheegayo in Baarlamaanku ay Xilka kaga qaadeen Madaxwayne Xaaf, taasoo uu sheegay inay tahay mid aan waxba ka jirin.

Hadalka Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa daba jooga kadib markii Xildhibaano 12 ah ay isugu tageen Hoteel uu leeyahay Qoor Qoor oo ka mida Xukuumadda Somalia, uuna dagan yahay Axmad Shariif oo isku sharaxay Madaxwaynanimadda Galmudug, iyadoo uusan Waqtiga Sharciga ah ka dhamaan Axmad Ducaale Xaaf oo ah Madaxwaynaha Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.