Galmudug Oo Beenisay Inay Xiriirka U Jartay Dowladda Dhexe Ee Somalia.

0

Maamulka Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya inay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, kaddib qoraal la been abuuray oo lagu faafiyay baraha bulshada, iyo Warbaahinta Soomaalida, taasoo ay ka muuqatay sumadda Galmudug iyo saxiixa Madaxweyne Xaaf.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay warqadaas, isla markaana aysan jirin warqad ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf oo ku aadan in xiriirka loo jaray dowladda.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in baaritaan lagu haayo dadka caadeystay inay waraaqaha been abuurka soo dhigaan baraha bulshada.

Beenin Galmudug
Beenin Galmudug

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.