Dowladda Federaalka Somalia Oo Sheegtay inay Aqoonsantahay Xil Ka Qaadista Xaaf.

0

War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa lagu sheegay inay Dowladda Somalia aqoonsatahay Tallaabadda ay  Xildhibaano ka tirsan Galmudug ku sheegeen inay Xilka ka qaadeen Madaxwaynaha Galmudug, Axmad Ducaale Xaaf.

Warsaxaafadeedka oo laga soo diray Email-ka Wasaaradda Warfaafinta oo Caawa Magaca laga badalay, laguna qoray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Isla markaana lagu daabacay Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka SONNA ayaa u qornaa Sidan:-

War-saxaafadeed W/Arrimaha Gudaha XFS ee xaalada GalMudug

1. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.

2. Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

3. Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

4. Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.

DHAMAAD

Wasaarada Gudaha
Wasaarada Gudaha

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.