Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay rag hubeysan oo qof ku dhaawacay degmada Hodan

0

Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta ku dhigay labo ruux oo ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo qof ku dhaawacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Labada ruux ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in markii ay qof soo dhaawaceen ay doonayeen inay goobta ka baxsadeen, hase ahaatee Ilaalada Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa gacanta ku dhigay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo tagay goobta lagu qabtay raggan ayaa u mahad celiyay Ilaalada wasiiru dowlaha ee ka qeyb qaatay in la qabto.

“Kooxo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, gal dambi ahna geystay oo qof soo dhaawacay ayaa la qabtay, waxaa ugu bishaareynayaa dadka Muqdisho in lagu guuleystay dad fal dambi intaa la eg geystay in lagu qabtay Waaxda Axmed Gurey ee degmada Hodan”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.

Waxaa uu sheegay in raggan lagu wareejiyay hey’addaha ammaanka dowladda, si ay u soo caddeeyaan cida ay yihiin.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan, iyadoo habeen hore degmada Waaberi lagu dilay Jeneraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.