Al-Shabaab oo la wareegay deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo

0

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo, kaddib markii shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Ciidankii Kenya ee muddo dhowr sano ku sugnaa deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in deegaanka ay si nabadoon kula wareegeen, ciidankoodana ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Ciidamada Kenya ayaa maalmo ka hor baneeyay saldhig ay ku lahaayeen degmada Baardheere, iyagoo u jiheystay dhanka degmada Ceel Waaq.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee ka baxay deegaanada ay doonayaan inay xaqiijiyaan ammaanka deegaanada u dhow xuduuda ee maalmihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay weerarayeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.