Xaaf Oo Xiray Xaruntii Baarlamaanka Galmudug, Iyo Dibad Baxyo Qabsaday Cadaado.

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa u xaqiijiyay HornAfrik  in Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo albaabada isugu laabay Xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi ee Magaalada Cadaado islamarkaana uu furaha xarunta isaga qaatay.

Madaxweyne Xaaf ayaa diidday sida ay Xildhibaannada sheegayaan in kulanka Baarlamaanka uu furmo islamarkaana looga doodo khilaafka dowladda dhexe iyo Galmudug taas oo ay hadda ku kala qeybsan yihin Madaxda Maamulka Galmdug.

intaas kaddib waxaa Magaalada ka billowday dibadbaxyo  lagu taageerayo Xaaf iyo go’aanka uu ka qaatay dowladda Federaalka ah iyada oo gabi ahaanba Jidadka Magaaladda ay xireen Dibadbaxayaashu.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Cadaado,waxaana uu ay  cambaareynayaan Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo Xubno laga soo diray Muqdisho oo Abaabul ka dhan ah Xaaf ka waday Cadaado.

Maamulka Galmudug ayaa ka cabanaya faragalin uga imaanaysa Dowladda Dhexe ee Somalia, balse Dowladdu illaa iyo hadda kama hadlin xaaladda cakiran ee ka taagan Cadaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.