Wadahadaladii Galmudug Iyo Puntland Oo Dib U Billowday.

0

Guddiyada Nabadgelyada Gobolka Mudug ee kasoo kala jeeda Puntland & Galmudug ayaa yeeshay kulan deg deg ah waxayna ka shireen arrimaha  taagan ee nabadgelya darrada ee ka jirta Gobolka.

Guddiyada Nabadgelyada ee labada dhinac ayaa kala ahaa Maamulada heer Gobol, Maamulada heer Degmo iyo Saraakiisha ciidamada isku dhafka ah ee ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa si weyn loogu lafa guray arimaha nabadgelya xumada ah ee ka jira Deegaanada Miyiga gobolka Mudug iyo sidoo kale xiisadaha colaadeed ee laga dareemayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Qodobada shirka kasoo baxay ee la isku raacay in wax laga qabto ayaa ka koobnaa afar qodob oo kala ah:-

  1. In la sii wado heshiiskii iyo wadahadalkii nabaddeed ee horey u socday
  2. Guddiyadii Nabadgelyada in lasoo nooleeyo oo ay shaqadoodii sii wadaan
  3. Ciidanka isku dhafka ah inuu shaqeeyo oo shaqadii loo xilsaaray qabtaan
  4. In ka hadalka saxaafadda loo adeegsado wax dadka anfacaya ee aan wax dhib ah laga sheegin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.