Shir Looga Hadlayay Xasilinta Dalka Oo Maanta Lagu Qabtay Muqdisho.

0

Shirka Bilaha ee Xasilinta dalka oo uu shir Gudoominayay Wasiirka Arrimaa Gudaha , federaalka iyo dib u heshisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay sida kor loogu qadi lahaa wada shaqeynta iyo xoojinta dowlad goboleedyada.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiradda Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilo ka socda caalamka uu ka mid ahaa ku xigeenka argayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Sooamaliya Peter Dicluk iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska David Concer

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Saciid ( Juxa) oo shir Gudoominayay shirkan ayaa sheegay in xasilintu ay muhiim u tahay Baahinta Awoodo dowlada.

Wasiir Juxa waxa inta ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso Xoojinta Dowlad Goboleedyada Dowladnimadana ay ku hirgalayso Wadajir.

Mashruuca Xasilinta dalka oo intiisa badan laga hirgaliyay Degmooyinka Laga Xoreeyay Maleeshiyada Alshabaab ayaa Muhiimadiisu tahay soo celinta adeegyada Bulshada iyo in dagmo walbo dadkeeda ay helaan maamul ay soo doorteen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.