Diyaarado guuxooda aad u sareeyo oo habeenadii la soo dhaafay hurdo la’aan ku riday dadka Muqdisho

0

Diyaarado aan la arag oo guuxooda aad u sareeyo ayaa habeenadii la soo dhaafay dul heehaabayay hawada Muqdisho, iyadoo jahwareer iyo hurdo la’aan ku riday dadka reer Muqdisho.

Diyaaradahan oo la rumeysan yahay inay yihiin AC-130 ayay dadka Muqdisho iyo kuwo ku nool gobolada ay aad u garanayaan, waxaana la bartay xilliyadii dagaaladii Maxaakimta iyo isbaheysigii la oran jiray Argagixiso la dirirka 10-sano ka hor.

Inkastoo sanadihii u dambeeyay la waayay diyaaradahan iyo guuxooda, ayaa waxay dadka is weydiinayaan sababta ay xilligan u soo bilowdeen in habeen walba iyagoo joog aad u hooseeya ku duulaya ay dul maraan hawada Muqdisho.

Dadka isticmaala baraha bulshada, sida Facebook ayaa aad looga hadal hayay diyaaradahan oo guuxooda laga seexan la’yahay, waxaana la is weydiinayaa waxa ay qabato, hase ahaatee waxay dad badan aaminsan yihiin inay ka mid tahay diyaaradaha wax basaasa.

Inta u dhaxeysa 8-da fiidnimo illaa saqdii dhexe ee habeenkii ayay diyaaradahan dul heehaabaan, lama arko wax leydh ama iftiin ka baxaya, marka ay dul wareegeyso hawada.

Saqafyada sare ee guryaha ayaa aad looga dareemaa guuxa diyaarada, taasoo dad badan ay la yaabeen in saqafyada qaar ee guryaha uu mar qura wada gariiro, marka diyaarada guuxeyso.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.