Xildhibaan Fiqi “Xeerka Saxaafaddu, wuxuu u egyahay sharcigii xilligii Milateriga”

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ku tilmaamay Xeerka Saxaafadda oo Shalay Golaha uu horgeeyay Wasiirka Warfaafinta mid lagu caburinayo Saxaafaddda, Isla markaana aan xilligan la jaanqaadi karin Dunidda oo tiigsanaysa Xoriyad Warbaahineed.

 

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanadda ugu afkaarta kul kulul Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in Caalamka uu xilligan ka maarmay Wasaaradadihii Warfaafinta,  Wuxuuna xusay Xildhibaanku inay tahay in Muhiimadda Koowaad in la siiyo Saxaafadda Xorta ah, iyadoona ay Caalamka ka gudbeen Telefeshin Dowladeed iyo Warbaahin hal dhinac ah, isagoo dhinaca kalana  farta ku goday Qodobadda Qaar ee Xeer Saxaaafadda oo wax badan mamnuucaya, Isla markaana ka hor imaanaya Xorriyadda Hadalka.

 

“Markaan dib u qooraansaday oo aan fiiriyay Xeerka Saxaafadda wuxuu ila egyahay sharciga xilligii milateriga dalka uu maamulayay, mid kuligiis wax mamnuucayo, ruqsad la diidayo, shati lala noqonayo iyo ciqaab meelaha qaarkood aan la xusin, diiwaan gelinta la adkeeyay, wasaarada warfaafinta awoodii dhan ayay qaadatay, guddiga saxaafada awood weyn ma lahan, kaliya talooyin ayay ku leeyihiin”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/rxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa shalay Golaha shacabka horgeeyay sharciga saxaafada oo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta ay walaac ka muujiyaan qodobada qaar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.