Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo lagu dilay Degmada Waaberi.

0

Sarkaalkaan iyo Askari ka tirsan Ilaaladiisa ayeey kooxo hubeysan waxay ku dileen Degmada Waaberi gaar ahaan Nawaaxiga Xarunta Degmada Waaberi.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo C/laahi Qurux ayaa horay u soo noqday Taliye Ku Xigeenka Saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka, Waxaana la sheegay inay dileen Koox Bastooladleey ah.

Ciidamada katirsan Dowladda  oo goobta gaaray ayaa wada Baaritaano la xiriira sidii lagu ogaan lahaa ciddii dishay Sarkaalkaasi.

Dowladda Federaalka Somalia ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin Dilka Sarkaalkan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.