Diyaarad 40 sanno ka hor Muqdisho lagu soo afduubtay oo dalkeeda dib loogu celiyay”Sawiro”

0

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaarada Lufthansa ee laga leeyahay dalka Jarmalka oo iyadoo afduub ahaan loo wato la keensaday Somalia sanadkii 1977 ayaa maanta la geeyay dalka Jarmalka,  Waxaana laga qaaday dalka Brasil oo ay taalay.

Diyaaradaan oo ay  Afduub ahaan u qabsadeen koox Falastiiniyiin ah ayaa 40 sanno ka hor laga bad baadshay kooxdii afduubatay, waqtigaas oo ku beegnaa bishii October 18-keedii Sanadkii 1977,  Waxaana hawlgalkii lagu bad baadshay  qeyb weyn ka qaatay Ciidamadii sida gaarka ah u tababaran (Kumaandoos) ee Soomaaliya.

Diyaaradaan oo nooceedu yahay Boeing 737 ayaa markii la qafaalanayay waxay ka duushay magaalo ku taala Dalka Spain,  iyadoona ku socotay magaalada Frankfurt ee Jarmalka,  Waxaana kooxdii afduubatay oo Falastiiniyiin ahaa ay la soo aadeen dhanka Soomaaliya, iyagoona kala soo dagay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Haraadiga Diyaaradaan oo lagu soo qaaday diyaarad kale oo weyn oo Rushka laga leeyahay ayaa shalay la geeyay Jarmalka, Waxaana loo qaaday Madxafka Dornier,  halkasoo dadku u daawasho tagi doonaan.

Diyaaradaan 40 sanno ka hor ayadoo afduub ahaan loo wato Soomaaliya la keenay waxaana laga qaaday hadda dalka Brasil oo ay safarkeedii ugu dambeeyay ku tagtay kuna baaba’day.

Kooxdii qafaalatay diyaaradaas oo 4 ruux ka koobnaa waxay ku dhinteen hawlgalkii diyaaradaan lagu furtay ee Muqdisho ka dhacay 40 sanno ka hor, Waxaana hawlgalkaas lagu bad baadshay 86 ruux oo rakaab ahaa.

Kooxdaas waxay dalbanayeen in la sii daayo dad ururkooda ka tirsanaa oo xirnaa.

Aribert Martin oo ka mid ahaa askar gaar ahaa oo dawladii xilligaas ee Jarmalku Muqdisho u soo dirtay si ay hawlgalkii bad baadada uga qeyb qaataan ayaa sheegay inay Maanta u tahay maalin weyn  maadaamo uu arkayo diyaarad uu bad baadshay 40 sanno ka hor.

Diyaaradaan oo kooxdii qafaalatay ay haysteen muddo 5 cisho waxay dileen mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda oo la oran jiray Jürgen Schumann.

Haraadiga diyaaradaan hadda kadib waa loo daawasho tagi doona oo waxay noqon doontaa taariikh isha lagu hayo.

Xigasho Wargayska Daily Mail.

W/Tarjumay Burhaan Diini Faarax.

[email protected]

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.