Askar ka socota Midowga Yurub oo soo gaaray Muqdisho

0

Diyaarad laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa maanta ka soo degtay magaalada Muqdisho,taas oo wadda Ciidamo ka socda Midowga Yurub.

Diyaaraddan ayaa la sheegayaa in ay waddo Ciidamo tiradooda u dhaxeyso 50-100 Askari oo ka socda midowga Yurub.

Ciidamadan ayaa warar aanu ka heleyno ay sheegayaan in ay yihiin kuwo tababaraya Ciidamada dowladda Soomaaliya,waxaan aay qeyb ka yihiin ciidamada midowga Yurub ee tababara Ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa lagu tababari jiray dibadda sida Uganda,Jabuuti iyo meelo kale waxaana labo sano ka hor la isku afgartay in Ciidamada Soomaaliya lagu tababaro gudaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa marba Waddan bixiyaa tababarka Ciidamada Dowladda Soomaaliya,waxaana markan tababarka bixinaya Ciidamo ka socda dowladda Talyaaniga.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay taageero Ciidan iyo amaanka ahba ka heshaa waddamada Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.