Madaxwaynaha Galmudug Oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Taliyahii NISA Ee Maamulkaas, Akhriso Sababta,?

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Geelle Ducaale Xaaf  ayaa Goordhow waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii Ciidanka Nabadsugida Galmudug.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa xilkii looga qaaday Cali Cilmi Yuusuf oo loo yaqaanay (Ilkacase), Waxaana la faray Saraakiisha NISA ee Galmudug inay adkeeyaan Ammaanka iyo habsami u socodka Shaqada, iyadoo aan la soo magacaabin Taliyihii badali lahaa.

Taliyaha NISA ee Galmudug ayaa Xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Xil Gudasho La’aan iyo Amar Diido.

Inkastoo aan lagu xusin Wareegtadda si faah faahsan Amaradda uu diiday Taliyaha NISA ee Galmudug, haddana waxay ogaatay HornAfrik in Taliyaha uu ka diiday Xaaf inuu is hortaag ku sameeyo Shirarka iyo Abaabulka ka dhanka ah ee ay Cadaado ka wadaan Ku Xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoona Taliyaha Xilka laga qaaday uu soo amray Sanbaloolshe oo ah Agaasimaha Guud ee NISA inuusan wax amar ah ka qaadan Xaaf.

Halkan Ka Akhriso Wareegtadda Madaxwaynaha Galmudug

Wareegto Galmudug
Wareegto Galmudug

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.