Gudoomiye Taabid oo kala hadlay AMISOM soo wareejinta Garoonka Stadium Muqdisho.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM, iyadoo ay wehliyeen Taliyaha Guud ee AMISOM iyo Saraakiil kale.

Guddoomiye Taabid ayaa kala hadlay Amb. Francisco Madeira amniga Caasimadda iyo sidii loo dar dar gelin lahaa.

Sidoo kale Guddoomiyaha iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay shilalka ay geystaan Ciidamada AMISOM iyo sidii looga hortagi lahaa shilalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday Ciidamada AMISOM inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo wareejiyaan garoonka kubada Cagta ee Muqdisho Stadium.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay sidii Guddi loogu saari lahaa qorshaha soo wareejinta garoonka, laguna soo wareejin lahaa Garoonka Muqdisho Stadium..

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.