Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Rakaab Sida Oo Caawa 27 Sano Kadib Xili Habeen Ah Kasoo Degtay Muqdisho

0

Mudo 27 sano ah kadib markii ugu horeysay waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab, kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.

 Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey,  waxaana diyaaradan ay abaare 08:10  kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin, waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaha rakaabka ayaa inta badan duulimaadyadooda uu yahay mid maalinle ahaa, waxaana dhib badan ku qaba dadka Soomaaliyeed oo habeenkii muddo saacado ah Transit ku noqda garoomada diyaaradaha Joma Kenyatta, Istanbul, Addis Ababa iyo Jabuuti, si subixii Muqdisho loo aado.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray muran u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM oo ku aadanaa in garoonka shaqeeyo xilliga habeenkii, iyadoo AMISOM ay sheegtay in aysan damaanad qaadi karin ammaanka garoonka xilliyada habeenkii, balse wada hadalo muddo qaatay ayaa la isku afgartay in garoonka habeenkii shaqeeyo, waxaana albaabka garoonka la xiri jiray marka la gaaro 5-ta galabinimo, marka ay shaqaalaha ka rawaxaan.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa habeenkii adeegsada diyaarado aan la aqoon, balse loo maleynayo inay yihiin diyaarado milateri, waxaana dadka ay habeen walba maqlaan guuxa diyaarado saq dhexe dega.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday in garoonka diyaaradaha Aadan cadde uu shaqeynayo, isla markaana la kordhiyay saacadaha shaqada, waxaana dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha lagu rakibay nalal ifiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.