Dagaal Ka Socda Gobalka Mudug, Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalkaasi,?

0

Wararka ka imaanaya Tuulooyin hoos  yimaada Degaanka Sarjimaale ee Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug uu ka soconayo halkaasi.

Dagaalka ayaa illaa iyo hadda u dhaxeeya  Maleeshiyaad Xoolo dhaqato ah oo ku Abtirsada Maamulada Puntland iyo Galmudug. iyadoona aysan illaa iyo hadda qayb ka ahayn Dagaalka Ciidamadda Labada Maamul.

Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawacba leh ayaa soo kala gaaray Labada Dhinaca, Waxaana Isbitaaladda Gaalkacyo ee Koonfur iyo Waqooyi la soo gaarsiiyay Dhaawacyo kor u dhaafaya illaa iyo 10 Qofood, iyo Maydadka 4 Qof.

Dagaalka ayaa imaanaya Xilli Maamulada Puntland iyo Galmudug  ay Gobolka Mudug ay ka sameeyeen Ciidamo isku dhaf ah oo ay sheegeen in ay wax ka qabanayaan Dilalka u dhexeeya Maleeshiyaadka ku kala Abtirsada Labada Maamul.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.