Ciidamada Puntland oo Qabtay Doon Hub lagu soo dhex qariyay

0

Ciidamada Badda Maamul Gobolleedka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay Doon u Rarneyd Ganacsato Reer Puntland ah oo lagu soo dhax qariyay Hub.

Doonta ayaa ku soo xiratay Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari,waxaana la sheegay in ay waday Hub isugu jira kan Culus iyo midka Fudud.

Hubka ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin Qoryaha Dhashiikaha,Daba-miishaarka iyo AK-47,waxaana Saraakiisha Puntland ay sheegeen in Hubka loo waday Degaanada Gobolada Dhexe ee Bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland weli faah faahin rasmiya kama bixin Doontan, sidoo kale ma jirto cid sheegatay lahaanshaha Hubkaan, marka laga reebo sheegashadda Puntland ee ah in Hubkan uu ku socday Goboladda Dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.