Tahriibayaal ku dhintay biyaha Mediterraneanka.

0

in kabadan 50 qof oo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen Badda Mediterraneanka ee u dhaxeysa Wadamada Liibiya iyo Talyaaniga.

Dadkaan Muhaajiriinta ah ayaa la sheegay Doontii ay saarnaayeen in ay ka go’day shidaalkii, iyadoo maraysa xeebaha dalka liibiya.

Doonta oo ay saarnaayeen ilaa 100 qof oo Tahriibayaal ah ayaa Jimcihii hore ka shiraacatay magaalada Sabratha ee ku taala dhinaca Galbeed ee Dalkaasi, sida ay saraakiil deegaanka ah u sheegeen BBC-da.

Doonta ayaa Badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta aysan dagin, Doonidaasi ayaa markii dambana ku soo caarisay agagaarka magaalada Zuwara ee Dalkaasi Liibiya  saacadihii hore ee Arbacadii.

Waxaa hadda socda baadi goobka dadkaasi lagu la’yahay Xeebaha Liibiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.