Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo taageero ka helay xubno kamid ah golahiisa Wasiirada
Qaar ka mid ah golaha wasiirada Dowlada goboleedka Galmudug ayaa taageero u muujiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle, kadib markii Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay ka soo horjeesteen go’aankii uu ku taageeray Isbahaysiga Sucuudiga.
Wararka ka imanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug ayaa sheegaya in kulan deg deg ah ay halkaasi ku leeyihiin Xubno ka tirsan Wasiirada Galmudug.
Waxaa la filayaa in kulankaan lagu taageeri doono go’aankii uu qaatay madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa dhinacooda la sheegay in ay abaabulayaan kulamo kale oo looga soo horjeedo Madaxweyne Xaaf.
Arrimaha khilaafka ka taagan ee Bariga Dhexe ayaa saamayn ku yeeshay Siyaasadda Somalia, Waxaana sababsaday oo ku baxay Madaxwaynihii Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble, iyadoo Shariif Xasan-ka Koonfur Galbeedna hadda la gilgilayo, Xaaf ayaa isna u muuqda in Culays ka soo wajahay Maamulkiisa dhexdiisa, halka Puntland iyana laga cabsi qabo inay ka hoos kacaan Kooxo ku xiran Qadar. Waxaa sidoo kale sii xumaanaya Xiriirka Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe, taasoo salka ku haysa arrimaha Khaliijka.