Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo gaaray magaalada Beledweyne

0

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Socdaalkan ayaa ah kii u horeeyay ee Madaxweynaha Hirshabeelle ku tago Beledweyne, maalmo kaddib markii lagu doortay magaalada Jowhar.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka mid ah maamulkiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana loo galbiyay gudaha magaalada, gaar ahaan xarunta maamulka.

Ammaanka magaalada Beledweyn ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka qaar ee gala xarunta maamulka.

Waxaa lagu wadaa inuu la kulmo odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si uu taageero u weydiisto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.