Kulankii Guddiga Baarlamaanka u xilsaaray Qadiyadda Qalbidhagax Oo Aan Maanta qabsoomin, Sababta,?

0

Kulankii ugu horeeyay ee ay yeelan lahaayeen Guddigii Baarlamaanku u xilsaaray ka soo tala bixinta Go’aankii ay Xukuumaddu Muwaadin Soomaali ah ugu gacan galisay Itoobiya ayaan qabsoomin Maanta, iyadoona Jadwalku ahaa in Kulankooda ugu horeeya ay yeeshaan 21 Bisha oo ku beegan Maanta.

Kulanka Maanta ee Guddiga ayaa loo madlanaa inay ku doortaan Guddoomiye iyo Ku Xigen, Waxaana kadib ay guda gali lahaayeen Hawshii loo igmaday.

Xubin ka tirsan Guddiga loo Xilsaaray Kiiska Qalbi-dhagax ayaa u sheegay HornAfrik in Kulanku baaqday, isla markaana aan meel lagu sheegin Xubnihii Guddiga ee Jadwalka Kulankooda ugu horeeya uu ahaa Maanta. Waxaana Guddigan oo ka kooban 15 Xubnood dhawaan magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, iyadoona Xubin ka tirsan Guddiga uu is casilay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 18-kii Bishaan ku Amray Guddiga loo Xilsaaray Arrinta Qalbi-dhagax in ay 21-ka Bisha oo Maanta ku beegan ay yeeshaan Kulankooda ugu horeeya.

Guddiga ayaa sidoo kale Warbixinta ay soo helaan waxaa laga sugayaa in ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u soo gudbiyaan 10-ka Bisha October ee soo socota.

HornAfrik ayaa ogaatay in Guddiga intiisa badan lagu qanciyay inaysan isku imaan illaa iyo dhamaadka Bishan, iyagoo kadibna dalban doona Muddo kordhin la xiriirta hawsha loo diray, taasoo la aaminsan yahay inay ka wada shaqeeyeen Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda uu hogaamiyo Khayre.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.