Mid Ka Mida Shaqaalaha Garoonka Muqdisho Oo Qarax Lagu Dilay.

0

Nin ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa saaka lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa oo marayay agagaarka Isgoyska Maana Booliyo ee degmada Shibis.

Ninkan oo caan ka ahaa degmada Shibis ayaa lagu magacaabayay Abuu Shiine, waxaana la sheegay in dhowaan uu ka shaqo bilaabay Garoonka diyaaradaha.

Qaraxa ayaa bur buriyay qeyb ka mid ah gaarigiisa, gaar ahaan qeybta hore, waxaana ku dhaawacmay nin kale oo la saarnaa gaariga iyo qof wadada marayay.

Ciidamada Booliska iyo kuwa miino baarista oo goobta qaraxa ka dhacay gaariga ayaa baaritaan ku sameeyay gaariga hadii ay ku jiraan haraadiga walxo qarxa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Shibis ee lagu dilay sarkaalka ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana ay qeyb ka noqotay farsamooyinka dadka lagu khaarijiyo, ka sokow dilalka bastooladaha loo adeegsado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.