Baarlamaanka Oo Wasiiro U Yeeray, Iyo Xildhibaano Maqan Oo Digniino Loo Diray.

0

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee Maanta ayaa lagu go’aamiyay inay Baarlamaanka hor yimaadaan 3 Wasiir oo ka tirsan Xukumadda Somalia.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gaba-gabada kulanka sheegay in maalinta Sabtida ee Todobaadka soo socda Xarunta golaha Shacabka looga bahanyahay Wasiirka Warfaafinta, Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow”,  Wasiirka Cadaalada, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaad, Fowsiyo Abiikar Nuur.

Goluhu waxay sheegeen in la weydiin doono su’aalo ku saabsan shaqadooda hadii ay imaan waayaana waxa uu Goluhu la tiigsan doonaa Sharciga.

Dhinaca Kale waxa uu Gudoomiyaha  Baarlamaanka, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari digniin u jeediyay Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa, kuwaas oo qaarkood Safar dibadda ah u raaceen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Jawaari ayaa sheegay in aan mar danbe la ogolaan doonin in xildhibaanada ay dibadda iska aadaan fasax la’aan, waxaana kuwa maqan laga dalbaday in ay dib u soo laabtaan, Islamarkaana aysan dhicin in ay mar dambe baxaan Fasax la’aan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xubnaha shaqada aadaya ama dane kale u baxaya ay ku wargiliyaan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaasha Gudiyada ay ka tirsan yihiin iyo Gudiga Hab dhowr-ka Baarlamaanka.

Hadalka Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Xildhibaano badan, kuwaas oo qaarkood raacay Ra’iisal Wasaaraha Xukumada Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.