Hay’adda Culumadda Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray Nin Soomaali ah oo u gafay Nabi Maxamad NNKH.

0

Culimada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay nin ku sugan magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo C/wali Sheekh Cali Cilmi Yare oo dhowaan ka soo yeeray hadalo gaf ku ah diinta Islaamka, kaasoo soo bandhigay sawir nin lagu magacaabo Bilow oo uu ku tilmaamay inuu yahay Nabi Muxumed NNKH.

Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo bayaanka u akhriyay saxaafada ayaa sheegay in ninkaas uu ka baxay Diinta islaamka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ninkan uu meel kaga dhacay xurmadii Nabigeena CSW, waxaana uu codsaday in ninkaas sharciga la marsiiyo.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.