Warbixin: Maxaa laga baran Karaa Guddigii Maanta uu Jawaari Magacaabay,?

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamad Cusmaan Jawaari waxa uu Magacaabay Guddi Xildhibaano ah oo ka soo baaraan daga Go’aankii Golaha Wasiiradda ee 06-September, kadib markii uu la tashaday Ku Xigeenadiisa.

Qaladaadka ku jira Wareegtadda lagu magacaabay Guddigan.

1-Wareegtadda lagu magacaabay Guddigan lama qeexin waxay ka soo baaraan dagayaan, Waxaana laga dhawray in la isticmaalo Magaca Muwaadinka loo gacan galiyay Itoobiya, iyadoona lagu soo koobay oo kaliya Go’aankii Golaha Wasiiradda ee 6-da September-2017, taasoo muujinaysa in Gudoomiye Jawaari uu iska indha tirayo Qadiyadda Qalbidhagax oo kicisay Dareenka Dadka Soomaaliyeed.

2- Gudoomiye Jawaari waxa uu Wareegtadiisa isticmaalay Erayga ah:- Markaan Tixgaliyay: Ra’yiga Aqlabiyadda Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo ku taliyay in loo saaro Guddi Gaar ah oo ka soo baaraan daga arrimaha ku xusan Qaraarka Golaha Wasiiradda ee kor ku xusan,

Aqlabiyadda Xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia waxay ka soo horjeedeen Go’aanka Xukuumadda ay Itoobiya ugu dhiibtay Qalbidhagax, uguna aqoonsatay ONLF inuu yahay Urur Argagixiso, Waxayna doonayeen in Go’aan isla fadhigaas ay Baarlamaanku uga gaaraan, balse Gudoomiye Jawaari waxa uu qaatay Soo Jeedinta Tiro yar oo Xildhibaano ah oo u muuqday inay dhex dhexaad ka yihiin Qadiyadaasi, kuwaasoo ku talinayay inaan Madasha Go’aan lagu gaarin ee Guddi loo saaro arrintan. sidaas darteed Wareegtadan waxaa lagu xaqiray Aragtidda Aqlabiyadda Baarlamaanka oo la siiyay dhinac kale oo Fikrado dhex dhexaad ah keenay, taasoo u muuqan karto in kala duwanaanshaha Xildhibaanadda inaysan dhex dhexaad ka ahayn Guddoonka Baarlamaanku.

3-Xubnaha Guddigu waxay u badan yihiin 2 dhinac oo kaliya, kuwaasoo kala ah dhinac qabay in Arrintan Guddi loo saaro, iyo dhinac qabay in Xukuumadda lagu taageero Go’aankeeda, balse kama dhex muuqdaan Guddigan Aqlabiyadda Baarlamaanka ee dooda ka keenay Go’aanka Xukuumadda, taasoo dhaawici karta Natiijadda Warbixinta laga sugayo Guddigan oo aysan ka dhex muuqan dhinacyaddii aaminsanaa in Xukuumaddu ay qalad wayn ka gashay Qaranimadda Soomaaliya.

4-Guddigan waxaa la saayay Waqti dheer oo aan ahayn Muhiim in looga soo baaraan dago Go’aankii Xukuumadda, iyadoo la heli karay muddo intaas ka yar in Guddigu ay Warbixintooda ku soo diyaariyaan, balse waxaa loo madlay  Bisha soo socota 10-keeda inay warbixin u keenaan Guddoonka Baarlamaanka, laguma xusin Wareegtadda iin Warbixinta Guddiga la hor keenayo Golaha Shacabka, iyo Waqti la keenayo toona, taasoo ay ka muuqato in Warbixintu aysan soo dhaafi doonin Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka.

5-Heshiisyo Sharci ahaantooda Dood ka taagan tahay oo aysan ka warqabin Golayaashii hore ee Wasiiradda iyo Baarlamaanka, Isla markaana uu Raiisul Wasaarihii hore inkiray jiritaankooda ayaa lagu soo daray waxyaabaha ay Guddigu ka soo baaraan dagayaan, taasoo muujinaysa in Xildhibaanadii u dagaalamayay Qadiyadda Qalbidhagax iyo Deegaano gaar ah oo Heshiiskan Qaab Beeleed u galay lagu ceebeeynayo, lagana dhigayo Heshiisyo Heer Qaran ah inay ahaayeen, iyadoona Heshiisyadda lagu lifaaqay Go’aankii Xukuumadda aysan ahayn kuwo ay ansixiyeen Gole Wasiiro, Baarlamaan, iyo Madaxwayne toona, isla markaana aan lagu soo saarin Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda Somalia, taasoo ka dhigaysa Heshiisyadda kuwa aan Qaanuuni ahayn.

Maxaa laga filan karaa Guddigan,?

Guddigan oo markii la magacaabay Saacado kadib ay Xubin ka tirsan is casishay waxay dadka wax falanqeeya aaminsan yihiin inaan laga filan karin Natiijo, ayna dhici karto inuu la mid noqdo Guddiyaddii hore oo ay ugu dambeeyeen kii Bariire oo aan illaa hadda Natiijo soo saarin. Waxaana Guddigan uu noqon doonaa 2 Arrimood midood  oo kala ah:

A: Inaanba la arkin Natiijadda Warbixintooda.

B: In Qadiyadda Qalbidhagax eedeeda laga dhigo mid wadar ah oo dhinacyo kale laga qaybgaliyo Masuuliyadda wixii dhacay, Qiilna loo yeelo Go’aankii Xukuumadda.

Gunaanad: Shacabka Soomaaliyeed waxay indhaha ku hayaan Go’aanka Baarlamaanka Somalia ee Qadiyadda Qalbidhagax oo noqon doona Mid Taariikhda gala Samaan iyo Xumaanba dhinucuu yeesho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.