Raiisulwasaare Khayre oo ku safray Maanta Diyaarad Shacab.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb geli doona shirka 72aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, ee ka furmaya xarunta UN-ka ee New York.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa in maalinta jimcaha uu shirka ka jeediyo khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaalada dalka iyo is bedeladii ka dhacay, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo horaantii sanadkan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda iyo ka qeyb galayaasha shirka New York.

Raiisulwasaare Khayre ayaa ku sii hakaday Nairobi, isagoo kadib uga sii baqooli doona Newyork, Waxaana uu Khayre Maanta ku safray Diyaarad Shacab, isaga iyo Wafdiga la socday, taasoo soo jiidatay Rakaabkii kale ee la saarnaa Diyaaradda oo billabaay inay Sawiro kula galaan Gudaha Diyaaradda Raiisulwasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirka ka baaqsaday sababo aan la shaacin, iyadoo ilo ku dhow dhow xafiiskiisa ay xaqiijiyeen in Madaxweynaha uu shirkaas u diray Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane Yusuf Garaad Cumar ayaa ka qeybgalay shirka dalalka caalamka Islaamka iyo Mareykanka oo sanadkasta la qabto ka hor shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu Yusuf Garaad ku sheegay in shirkan la qabanayay 15 sano ee u dambeeyay isla markaana ay maalgeliso dowladda Qatar.

“Maanta aniga oo wakiil ka ah Madaxweynaha ayaan Soomaaliya ku matalay Madasha Muslimka iyo Mareykanka oo sannadkiiba mar la qabto,” ayuu sheegay Yusuf Garaad.

Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ka qeybgalka shirkaas ku wehliyeen danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay Abuukar D. Cusmaan iyo danjiraha Soomaaliya ee London C/raxmaan Ceynte.

Madaxda dalalka caalamka Islaamka ee shirkaas ka qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamed Al Thani iyo madax kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.